Haweeneydan da’da ah waa 106 jir waxa ayna Gacanta ku heysata Qori Ak-47 ah kaasoo ay ku waardiyeysato gurigeeda ku yaala Xaafada Rifle Digeh ee Kuufurta dalka Armenia.
Dalkan Armenia ayaa xaduud dhow la leeyahay Dalka Azerbaijan waxaana dhex maray dagaal taariikhi ah kaasoo caan ku ahaa “Nagorno-Karabakh War” waxaana ku geeriyooday dad tiradooda lagu qiyaasay 20 Kun ilaa 30 Kun oo qof oo kawada tirsan labada dhinac ah waa sida lagu daabacay Interesting Blog waxaana idiin soo turjumay Warbaahinta Goobsan.
Xadka u dhexeeya dalalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa ah goobo ay tuugadu aad ugu badan tahay oo amaankeeduna liito, Islaanta da’dan ahi waxay ku nooshahay goobtaasi waana islaan aan lahayn wax ubad ah, sidaa darteed waxa ay nafteeda iyo gurigeeda tuugada iyo burcda dadka ku ilaashataa qori Ak-47 ah oo ay iyadu leedahay.
Islaanta markii ay dhallinayrada ahayd waxay ka tirsanayd ciidamada militariga ee Armenia Sawirkan ayaa waxa laga qaaday sanadii 1990-kii waana Taariikh hore balse wali ma ahan Sawir ay indhaha Caalamku ka jeesteen oo waqtiyada qaar ayaa war bixino laga qoraa Geesinimada ka muuqataa Haweeneydan da’da ah.