Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in muwaadin Mareykan ah uu qirtay dambi ah in uu ku biiray Al-Shabaab, islamarkaana uu u safray Soomaaliya si uu uga helo tababar millatari Al-Shabaab.
Ninkaan ayaa la sheegay in uu sidoo kale taageero Maaliyadeed uu siiyay Al-Shabaab.
Maalik Alim Jones, oo ah 32-jir, ayaa sheegay in uu doonaayo in dhammaan dambiya laga qafiifiyo xukunkooda, maadaama uu qirtay kahor inta uusan hor imaan garsooraha degmada District Paul Paul Gardephe ee Manhattan.
Jones ayaa qirtay in uu qori AK-47 ah uu adeegsaday intii uu joogay Soomaaliya, “Waan ogaa in ficilladaydu ay xadgudub ku tahay sharciyada Mareykanka,” ayuu yiri Jones.
Qeyb ka mid ah qirashadiisa, Jones waxay ogolaatay in uusan qaadan karin Racfaan xukun kasta oo ka yar 50 sano. Wuxuu wajahayaa xabsi daa’in .
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Jones uu ku dhashay kuna noolaa Maryland, uuna sanadkii 2011 u safray dalka Kenya, kaddibna uu sii aaday dalka Somaaliya, halkaas oo uu kula tababartay kooxda al shabaab, waxaana dhammaan dembiyadaasi lagu soo oogay sanadkii 2016.
Dowladaha reer-galbeedka ayaa isha ku haya muwaadiniintooda u safra dalalka kenya iyo dalkan Soomaaliya, waxaana ay aaminsanyihiin in ay khatar kala kulmi karaan marka ay ku laataan dalalkooda.