Waxaa Maanta gaaray dalka Bangladesh gaar ahaan goobta ay ku dhibaateysan Muslimiinta Rohingya Wafi Ballaaran oo ka socda dowladda Turkiga.
Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga iyo sidoo kale Xaaska Madaxweyne Rajab Dayib Ordugan.
Ujeedka ay halkaasi u gaareen ayaa lagu sheegay in tahay dardargelinta howlaha lagu gargaarayo Muslimiinta Rohingya.
Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhibaatada lagu haayo Muslimiinta kunool dalka Burma.
Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in ku dhawaad 40,000 oo qof oo qaxooti ah oo ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee qowmiyadda Rohingya ee dalka Myanmar ay u tallaabeen dhanka dalka deriska ah ee Bangladesh.
Dhanka kale Haweeneyda Hogaamiso Dalkaasi Aun Sui Ji ayuu madaxweyne Erdugan qadka taleefanka kula hadlay waxa uuna u sheegey in Turkiga uunan ka aamusnaan doonin xasuuqa ay Ciidamada Dalkaasi ku haayaan Muslimiinta Rohinga oo laga tiro badanyahay.
Turkiga ayaa sheegey in Talaabo adag uu ka qaadi doono dalkaasi waxa uuna ku goodiyey in dhulka uu la simi doono iyadoo uu heegan geliyey ilaa iyo 250 Diyaaradaha nuuca dagaalka ah.
Aun Sui Ji ayaa horaan ugu guuleysatay Bilada Nabada ee Noppel Peace Price iyadoo iminka shaki la gelinaayo bal in ay mudantahay hanashada biladaasi maadama ay ka aamustay Xasuuqaasi.