Ururka Al-Shabaab oo 4 Qof ku Gowracay Lamu

Afar ruux ayaa lagu gowracay laba xaafadood oo ku yaallo Galbeedka Magaalada Lamu ee dalka Kenya, waxaana falkaasi gaystay dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Weeraryahanada ka tirsan Shabaab, ayaa si toos ah weerarkaan uga fuliyay Xaafadaha kala ah Silini-Mashambani Iyo Bobo oo dhamaantood ku yaallo Galbeedka Lamu.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Maamulka Lamu, ayaa u sheegay Wargeyska The Nation, in saaka aroortii dagaalyahanada Shabaabka ay gowraceen afarta ruux, kadib markii xalay ay soo galeen xaafadahaasi.

Weerarka kale oo Shabaab ay gaysteen oo ka dhacay degaanka Hindi ee dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa Shabaab inay ku gubeen guryo halkaasi ku yaalay.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay ciidankooda inay fuliyeen weerarkaasi, deegankana ay qabsadeen oo dadka ay u muxaadareeyeen sida Shabaabka ay sheegteen.

Degaankan ayaa xilliga weerarka ka dhacaayay, waxaa ku sugnaa ciidan yar oo naftooda la baxsaday, kadib markii ay u babac dhigi waayeen dagaalyahanada ka tirsan Shabaabka ee weerarkasi soo qaaday.

Ciidamada Kenya ayaa hadda ku guda jira baaritaanka ku aadan dadkii ka dambeeyay weerarkaasi halkii ay aadeen, iyadoo muddooyinkii dambe ay sii kordhayeen weerarada Shabaab ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya.