Ururka Al-shabaab oo weeraray Kenya waxa ayna gubeen Dhismayaal waaweyn

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in  ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Daba oo u dhaxeeya magaalooyinka Ceel-Waaq iyo Kutulo.

Wargeyska the Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamadii ku sugnaa saldhiga degaankaasi ay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhanka dagaalyahanada Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska degaankaasi ayaa Wargeyska u sheegay in Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen dhismayaal waa weyn oo ku yaalla degaankaasi ka hor weerarka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay bur buriyeen Anteenooyinka Shirkadda Isgaarsiinta ee ku taalla Daba iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada.

Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo weerarkaas ka dhashay oo soo kala gaaray labada dhinac ee ciidamada Booliska Kenya iyo Ciidanka Shabaab ee weerarka fuliyay.

Ciidamada Booliska ee degaanka Daba ayaa saakay heegan buuxa la geliyay , waxaana ay waddaan hawlgallo kala duwan oo amniga ay ku xaqiijinayaan.

Al-Shabaab ayaa laba jibaaray weerarada ay ku qaadayaan dalka kenya Bilahan dambe, iyadoo dadka Kenyan-ka ay soo food saartay xaalad cabsi ah.