Burcad-baddeed Lacago dul dhigtay sii daynta Markabka ARIS

Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee ku sugan Xeebaha Somalia ayaa sheegay inay Burcadda Badeeda Hubeysan ee qabsatay Markabka ARIS ee laga leeyahay dalka Panama kaasoo ku soo jeeday dakada magaalada Muqdisho ay dalbadeen  Lacago madax-furasho ah.

Burcad-baddeedan oo markabkan gacanta ku dhigan maalinimadii Isniinta ahayd ee la soo dhaafay xilli uu marayey meel ka baxsan Xeebta Degmadda Caluula ee deegaanada Puntland,

Markabkan ayaa  oo Shidaal u soo waday Dekedda magaalladdan Muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ay la socdeen 8 Shaqaale oo u dhalatay dalka Sri Lanka.

Waa Markii ugu horaysay oo ay  kooxaha Burcad Badeedku Afduubtaan Maraakiib Xeebaha Somalia tan iyo sannadkii 2012-kii kadib markii la wiiqay awoodii kooxahan,

©Goobsan Media