Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay Weerar Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Lamu ee Dalka Kenya.
Weerarkan oo dhabo gal ahaa ayaa ku dhintay ugu yaraan 3 Ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Askar ka mid ahaa Ciidamada Booliska Dalka Kenya.
Afhayeenka Ciidamada militariga ee Dalka Kenya, Joseph Owuoth ayaa waxuu sheegay in Xubno ka tirsan Al Shabaab ay afduubteen mas’uul ka tirsan Wasaarada hawlaha guud iyo guriyeynta ee Dowladda Kenya iyo 3 kale.
Waxuu intaasi ku daray in Ciidamada militariga ay soo furteen la heystayaasha balse darwalkii Gaariga ku waday Dadkaasi uu ku dhintay howlgalkii lagu qaaday Kooxdii ka dambeysay afduubkaasi ka dhacay Magaalada Lamu ee Dalka Kenya.
Xaafado ka tirsan Magaaladan ayaa horaantii todobaadkan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 9 Ruux kadib marki Xubno ka tirsan Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Magaalada Lamu.
Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa Weeraro u joogteeyay qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya, tan iyo markii Xukuumada Nairobi ay Ciidamo u soo dirtay gudaha Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka AMISOM oo lagula dirirayo Xarakada Al Shabaab.