43 Milyan oo dollar ayaa laga helay guri laga guuray oo banaan

Waxaa guri laga guuray oo ku yaala magaalada Lagos ee dalka Nigeria ayaa waxaa laga helay in ka badan 43 Milyan oo Dollar hadalkan waxaa laga soo xigtay guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa ee wadanka Nigeria.

Xogta lagu ogaaday lacagtan ayaa waxaa laga helay deriska ayagoo ka shakiyay Boorsooyin waaweyn oo ay wadatay haweeney gurigaas si saa’id ah isaga daba laabaneyse ayakoona  wargaliyay booliska sidaasna uu boolisku gurigaas ku weerareen baaritaana ugu  dhaqaaqeen waxayna ka heleen lacagtan oo ku jirta qaanado waawayn oo guriga yaalay.

Baarayaashu waxay sidoo kale ka helaan gurigaasi oo ka kooban afar qol £27,800 iyo 23 milyan oo naira oo u dhiganto $75,000, sida uu sheegay guddiga la dagaalanka dambiyada dhaqaalaha ee EFCC.

Wali lama shaacinin cidda leh iyo sida halkaa ay ku tagtay, balse guddigu wuxuu tuhunsan yahay in lacagtaasi lagu helay qaab aan sharci ahayn.
Bishii March ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kaduna ee waqooyiga dalkaasi waxaa lagu qabtay $155,000.