Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay weeraro bambo loo adeegsaday oo kooxda Boko Xaraam ay ka fulisay suuq ku yaalo waqooyi bari dalkaasi gaar ahaan magaalada Biu.
Qaraxyadan oo ahaa kuwo ismiidaamin ah ayaa waxaa sido kale ku dhaawacmay 47 qof oo dheeraad ah iyadoo in badan oo ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay.
Magaalada Biu horay uga meysan dhicin weeraro ay fuliso Boko Xaraam in kastoo magaalooyinka ku dhow qaraxyo laga geystay.
In kastoo kooxda Boko Xaraam aysan weli si cad u sheeganin mas’uuliyada weerarkaasi, sarakiisha amaanka ee Nigeriya ayaa sheegay in qaabka qaraxaasi loo fuliyay uu la mid yahay kuwii ay horay u geysanayeen mintidiinta Boko Xaraam.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 20,000 oo qof lagu dilay halka in ka badan 1.7 milyan oo kalena ay ku barakaceen dagaalada Boko Xaraam tan iyo sanadii 2009-kii











