Nike oo usoo saartay xijaab haweenka sportska ciyaara.

Nike oo ah shirkad sameysa qalabta lagu ciyaaro ama aalamiinteeyo ayaa waxa ay muddo sanad ah waday sameynta xijaab ay kusoo biirineyso dharkeeda kaas oo ay ugu talo gashay gabdhaha muslimiinta ee ciyaartoyda ah.

Xijaabkan cusub ayay baahi weyn u qabeen gabshaha muslimiinta ee ciyaartoda ah, sida ay sheegtay mid ka mid ah gabdhaha muslimiinta ah ee ciyaa ciyaarta kabaha barafka lagula socda oo lagu magacaabo Zahra Lari.

Zahra Lari, ayaa kala shaqeysay shirkadda Nike sidii ay u dabooli laheyd baahida xijaab ee gabdhaha muslimiinta ah ee ciyaaraha kala duwan ku jira.

Barteeda Instagram ayay soo dhigtay sawirro muujinaya iyada oo xayeysiineysa xijaabkan cusub, waxaana ay shirkadda Nike sheegtay in suuqyada laga heli doono xijaabkan sannadka dambe.

Zahra Lari ayaa kasoo jeedda Abu Dhabi ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Warbaahinta Goobsan kala Soco Wararkii U danbeeyay ee Dunida
SHARE