Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay si ku-meelgaar ah u joojisay barnaamijka mideynta qoysaska( dacwooyinka qoysaska UK ku midoobaya), iyada oo sheegtay in talaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu yareynayo socdaalka sharci darrada ah.
“Waa in aan wax ka qabannaa culayska saaran maamuladda degmooyinka iyo khatarta ah in kooxaha burcadda abaabulan( ee wax tahriibiya) ay u mideynta qoysaska u adeegsadaan farsamo dhiirigalin oo dad badan ku qasbeysa inay safar sharci daro ah oo dhanka badda ah ay UK kusoo galaan ,” ayay tiri wasiirka arrimaha gudaha Yvette Cooper markii ay ku dhawaaqday go’aankan.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa dad badan oo magangelyo-doon ah badda uga soo gudbay kanaal-badeedka uu Ingiriiska uu la wadaago Faransiiska, taas oo dhalisay dood siyaasadeed oo kulul oo ku saabsan soo galootiga, isla markaana kor u qaaday taageerada xisbiga garabka midig ee fog Reform UK.
Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Ingiriiska bishii hore ayaa muujisay in ilaa 21,000 fiisaha mideynta qoyska ah la bixiyay sannadkii lasoo dhaafay.
Wasiirka arrimaha dibadda Cooper ayaa sheegtay in hakinta barnaamijka mideynta qoyska ay tahay talaabadii ugu horreysay ee dhowr tallaabo oo kale la filayo in la qaado sanadkan. Waxaa ka mid noqon kara in la soo rogo shuruudo cusub oo ay ka mid yihiin in dadka magangelyo-doonka ah ee helay ogolaanshaha deganaanshaha ay marka hore sameeyaan dhexgalka bulsho iyo in loo dejiyo waqti sugitaan ah ka hor inta aysan codsan karin mideynta qoysaska.
Dhowrkii isbuuc ee ugu danbeeyay waxaa ingiriiska ka socotay doodo siyaasadeed oo culus oo la xiriira soo galootiga dalkaas oo gala, iyo adeegyadda ay dowladu u fidiso ee kala duwan.