Doon siday muhaajiriin Soomaali ah oo la soo badbaadiyay

Doon ay muhaajiriin Soomaali ah saaran yihiin ayaa shalay duhurkii ku gaddoontay badda dhexdeeda meel u dhow xeebta bari ee Mallorca ee dalka Spain.

Lix maalmood ayay badda kusoo jireen, cimillo xumo shalay jirtay ayaa dedejisay inay doonto gaddoonto. (Sida ay sheegayaan)

Doon badda mareysay oo dad gaar ah ay leeyihiin ayaa soo badbaadisay Soomaalidii.

1 qof oo kamid ah wuu dhintay Allaha u naxariisto

20 qofna dhaawac ayay noqdeen, kuwaasoo 4 kamid ah isbitaal la dhigay.
Afarta isbitaalka la dhigay 1 qof oo kamid ah oo nin 30 sano jir ah waxaa soo gaaray dhaawac aad u weyn, waxaana la dhigay isbitaalka Son Espases.
3-da kale dhaawacooda wuu fududaa oo waa 2 gabdho iyo hal wiil waxaana la dhigay isbitaal ku yaalla Manacor.

Dhanka kale 3 qof ayaa illaa iyo hadda la baadi goobayaa oo la la’ yahay, waxaa loo maleynayaa inay ka boodeen doonta markii ay gaddoontay oo dhanka xeebta u dabaasha ay is dheheen.

Doontana mid dadka saaran ay Soomaali yihiin ayay ahayd, sida saxaafadda Spain ay qorayso.

Sawiradan hoosena waa shalay, goobtaas iyo xaaladda sida ay ahayd.

©️Ahmed Kadiye
Boga somalida Jarmalka