Xildhibaan Mahad Salaad: “Xasuuqa Bariire wuxuu shaki gelinayaa howlgalada Maraykanka”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerar lagu laayay dad rayid ah, kaasoo ay geysteen ciidamo la sheegay inay ahaayeen Mareykan oo ay wehliyeen Ciidamo Soomaali, kuwaasoo saaka howl gal ka sameeyay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxaa uu sheegay in saaka aroortii Ciidamo ka amar qaata dowladda Mareykanka ay dad shacab oo beeraley ku xasuuqeen Bariire.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa sidan u qornaa:-

XASUUQA BARIIRE!!!

Waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen dadkii shacabka beeraleyda ahaa ee saakay aroortii lagu xasuuqay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose. Xasuuqaas oo ay gaysteen Ciidamo ka amar qaata Dowlada Maraykanka sida ay noo sheegeen dadka deegaanka iyo Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Gobolka Shabeelada Hoose.

Waxaa sidoo kale wax lala yaabo ah Dowlad sheegta inay hormuud ka tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, haysatana tiknoolajiyadda aduunka ugu sareysa ee wax lagu basaaso marka howlgalo nuucaan oo kale ah la fulinayo inay fuliso howlgal nuuc oo kale oo lagu laynayo dad shacab ah, iyada oo waliba horay loogu sheegay dadka ku sugan deegaankaas inay yihiin dad beeraley ah sida ay noo sheegeen saraakiisha hugaamisa Ciidamada Soomaaliya ee Gobolka Shabeelada Hoose ku sugan.

Dhacdadaan waxay noqoneysaa midii labaad ee lagula kaco dad isku deegaan kasoo jeeda mudo sanad ka yar sida weerarkii Maraykanku ku laayay Ciidamo reer Galmudug ah dabayaaqadii sanadkii 2016. Taasoo shaki badan gelinaysa howlgalada Maraykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya ujeedooyinka laga leeyahay iyo cida bixisa amaradaas!

Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada inay si deg deg ah arintaas baaritaan ugu sameeyaan lagulana xisaabtamo cidii falkaas geysatay iyo cidii amarka bixisayba.

W/QXildhibaan Mahad Salaad