Waa Kuma Saadaq Joon, Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir

Saadaq Cumar Xassan Oo dadka intiisa badani u yaqaanaan (Saadaq Joon) wuxuu ku dhashay deegaan la yiraahdo Xanaan weeylood oo ku taala inta u dhaxeeysa Qorof iyo Gallaadi kana tirsan dhulka Soomaali galbeed ee itoobiya hoostaga,

Saaqad Joon Aabihii wuxuu geeriyooday Isagoo aanan dhalan ka hor, halka dadka qaarkiisna ay sheegaan inaan la aqoon Aabihiis. Waana Sababta keentay in loogu abtiriyo adeerkiis qabay hooyadiis oo lagu Magacaabo Cumar Xasan,

Yaraantiisii wuxuu ku soo bar baaray isla deegaanka Xanaan weeylood halkaas oo uu madarasada quraanka ku dhigtay,

Horaantii 1993 dii ayuu usoo wareegay Magaalada Muqdisho halkaas oo uu la noolaa reer ay qaraabo dhaw ahaayeen hooyadiis Caasha Xuseen Faarax Harageey,

Mudo kadib Saadaq joon oo nasiib ku u saamixin inuu helo Waxbarashada Asaasiga ah ayaa ku biiray Maleeshiyo beeleedkii ka jiray magaalada muqdisho, Wuxuuna ilaalo u noqday Maxamud Sigane oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyaddii ka jiray Magaalada Muqdisho.

Intii uu la shaqaynayay Sigane ayaa la sheegay inuu geystay falal arxandaro ah oo isugu jiray Dilal qorshaysan, Afduub iyo Dhac loo geystay dad kala duwan, Waxaana dadka lagu tuhmayo inuu qaarajiyay ku Mid ahaa Nin Abtigiisa ah oo lagu Magacaabi jiray Xasan Geeyme Faarax oo la sheegay inuu si bareer ah u dilay,

Saadaq Joon ayaa lagu xasuustaa inuu soo maleegay mid ka mid ah falalkii ugu naxdinta badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho sanadkii 2002 dii bishii September kadib markii isaga iyo maleeshiyaad uu horjooge u yahay ay rasaas ooda uga qaadeen gaari Caasi ah oo ay la socdeen Arday wax ka dhigan jirtay iskuulka Axmed Gureey. Gaarigaas oo marayay agagaarka Isgoyska Cali Kamiin ee Magaalada Muqdisho, Waxaana dhacdadas foosha xun ka dhashay dhimashada 11 ka mid ah ardaydii halka 9 kalana ay dhaawacyo qaarkood Sababay inay curyaamaan ka soo gaareen,

Isla sanadkii 2002 dii ayuu Saadaq joon Isgoyska Black Sea ku dilay nin ganacsade ah oo ay qaraabo dhaw yihiin. Taasoo sababtay inuu gebi ahaanba isaga tago Soomaaliya wuxuuna barqo carar ku gaaray dalka Kenya oo uu ugu danbayn uga sii gudbay Koonfur Afrika,

In muda ah markii uu ku noolaa dalka South Afrika ayuu iibsaday passport ingiriis ah oo muuqaal ahaan u eg taasoo u sahashay inuu si sharci daro ah ugu dhoofo dalkaas,

Ugu danbayn Sanadkii 2014 ayuu dib dalka ugu soo laabtay Waxaana mudo kadib loo magacaabay Taliyaha Nabad sugida Maamul gobolledka Gal-mudug, 8 dii Bishii May ee Sanadkan ayaa mar kale loo magacaabay Inuu noqdo taliyaha Nabad Sugida gobolka banaadir,

Dadka aqoonta u leh Saadaq Joon ayaa ku tilmaama inuu yahay Nin ku sifoobay naxariis la’aan iyo inuu Shirqool u maleego qod walba oo ay isqilaafaan. Waxaana layaab noqotay sida ay ku suurtowday in amaanka gobolka Banaadir gacanta loo galiyay Shaqsigan,

Cheif Editor Goobsan Media Inc.                                                                               Jabril Yahye Isse