Sweden oo malaayiin dollar ku deeqday abaaraha Soomaaliya

Iyadoo dhowaan uu madaxweynaha soomaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi farmaajo uu ku dhawaaqay in abaarta Soomaliya ka jirta ay gaartay meel halis ah ayna tahay masiibo qaran isla markaana ay Dowladaha Caalamka ay baaq arintaas ku aadan u dirayaan,

Waxaana durba codsigaas ka soo jawaabay dowlada Sweden oo sheegtay inay malaayiin dollar ugu deeqayso dowlada Soomaaliya.  Si wax looga qabto macluusha saamaysay malaayiinta qofood ee ku nool goboladda ay abaartu ku fiday,

Safiirka Dowlada Sweden u fadhiya Soomaliya Michael Lindvall oo warasyi siiyaya Idaacada BBC-da laanta Afka Soomaaliga ku hadasha ayaa ka waramaya deeqaha ay  dowladiisu ku bixinayso abaaraha iyo sidoo kale lacagaha loogu talagalay dib u dhiska iyo soo kabashada dalka Soomaaliya. Safiirka waxa uu sheegay in  ay Dowlada Sweden sanad walba ay soomaaliya siiyaan lacag kor u dhaafaysa 12 milyan oo dolla. Sidoo kale waxa uu sheegay in bilihii la soo dhaafay ay sare u qaadeen taakulada sababo la xiriira abaaraha iyo macluusaha soo korartay aawadeed,

Xaalada macluusaha ee ka jirta Soomaaliya ayaa gaartay Meel aad u xun. waxaana goobaha qaar laga soo sheegayaa in ay ka dhasheen cudurka ay ka mid yihiin shuban biyood,

©Goobsan Media