Ninkii ka danbeeyay weerarkii magaalada Barcelona oo la aqoonsaday (SAWIRRO)

Ninka lagu tuhunsanyahay in uu gaystey weerarka magaalada Barcelon ee gaariga dadka jiirsiiyey ayaa la aqoonsaday, waxaana la sheegey in uu yahay wiil 18 jir ah oo lagu magacaabo Muusa Abukabir.
Booliiska waxa ay sheegeen in aqoonsigii uu gaariga ku kireystey uu ka xaday walaalkiis oo ka weyn oo lagu magacaabo Idiris Aokabir, kaasi oo markii dambe iskiis booliiska isugu dhiibey.
Ra’isulwasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa weerarada dhacay ku tilmaamay kuwa argagixiso oo ay ka dambeeyeen dad jihaad doon ah.,

Inkasta oo ay jirto hubanti la’aan, haddane booliiska waxa ay sheegayaan in laga yaabo in ninkii waday gaariga weerarka ka geystey Barcelona uu ku dhintey rasaas ay ciidamada rideen.
Sida ay warbaahinta Spain sheegtey, Muusa waxa uu kireystey labo gaari, mid uu weerarka ku geystey iyo mid uu ku baxsan lahaa.

Waa muuqaalka Muusa Akaabiir wiilka geystay weerarka
Idris Akabiir ninka la dhashay ee loo maleeyay inuu geystay weerarkii Barcelona

E

©Goobsan Media