Masuul lagu Xukumay dil toogasho kadib markii lagu helay Musuq Maasuq

Dalka Vietnam ayaa waxaa dil toogasho lagu Xukumay Maareeyihii Hore ee Ocean Bank kaas oo lagu soo iigay Dacwad Musuq maasuqa la xariirta.

Dacwadan loo heysto XuaNguyen n Son ayaa waxa ay la xariirtaa Malaayiin Dollar oo si sharci darro ah loogu bixiyay Amaah intii uu maamulayay Bankiga Ocean.

Sidoo kale Waxyaabaha lagu heley waxaa ka mid ah wax isdabo-marin, lunsasho lacageed iyo maamul xumo.

Dowladda Vietnam ayaa bankigan Saamigiisa qayb leh sidaas daraadeed dambiga uu galay masuulkas ayaa waxaa loo arkay mid halis ah.

Markii uu ka tagay shaqada bangiga ayuu ninkan madax ka noqday shirkadda shidaalka dalkaas Petro Vietnam.

Dalka Vietnam ayaa waxa la sheegay in ay ka mid tahay dalalka ugu badan adduunka ee dadka ku xukuma, kuna fuliya dilalka sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International , balse waa markii koowaad oo qof darajadan leh dil lagu xukumo.

XuaNguyen n Son waa ninka dil toogashada lagu xukumay kasoo loo haysto Musuqa.

Garyaqaanka Mr. Nguyen ayaa sheegay in uu rafcaan ka qaadan doono xukunka.
Illaa 51 qof oo bangiga ka tirsanaa ayaa dacwaddan loo haystay, taas oo lagu lunsaday lacag dhan $69 milyan oo doolar.

Ha Van Tham waxa uu isna ahaa guddoomiyihii hore ee bangiga, waxaana lagu xukumay Xabsi Daa’in.

Xukunkan ayaa dhacaya xili Vietnam laga wado qorshe balaaran oo musuqa lagula dagaalamayo, iyada oo dalkaas lagu sheego in uu yahay kan ugu musuqa badan Aasiya.
Balse dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in qorshahan lagula tiigsaday dadka dowladda kasoo horjeeda.

Havan tham waa Masuulka asna lagu xukumay Xabsi Daa’in.