Madaxweyne Trump ayaa caddeeyey in Maraykanku ka baxayo heshiiskii Paris ee la dagaalanka isbedelka cimilada aduunka.
Isagoo taagan kaabadda Aqalka Cad ayaa Trump, oo la hadlayey warbaahintu, wuxuu sheegay in Maraykanku uga baxayo heshiiskaa culayska dhaqaale ee uu dalkiisa saarayo awgii.
Wuxuu sheegay in uu yahay tusaalihii u dambeeyey ee muujinaya in Washington gasho heshiisyo dalalka kale faa’iido u leh laakiin uu diyaar u yahay heshiis kale oo xeerarkiisu u cadaalad falayaan Maraykanka.
Madaxweynihii hore, Barack Obama, oo heshiiskan wada xaajood ka gallay markii dambena saxeexay ayaa sheegay waxa maamulka Trump diidanyahay waa mustaqbalka fiican.
Obama waxaa kale oo uu sheegay in uu ku kalsoonyahay in gobollada, magaalooyinka iyo shirkadaha Maraykanku ay dadaalkooda dardar gelin doonaan oo ay hogaan u noqon doonaan qorshaha la doonayo in lagu badbaadiyo dunida.