Denmark:Gabar 16 Jir ah oo Maxkamad la soo taagayo

Waxaa maanta maxkamad lasoo taagayaa gabar yar oo dhalatay wadanka Denmark gabadhaas oo magaceeda la yiraahdo Lisa Borch waa gabar hadda 16 jir ah waxaana bishii janaayo 2016 loo taxaabay xabsiga markaasoo ay ahayd 15jir.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey inay qorsheynaysay weeraro ay ku qaaddo iskuul Yuhuudu leedahay oo ku yaal galbeedka magaalada Copenhagen iskuulkii ay iyadu wax ka baraneysay
Gabadhan oo aan magaceeda la shaacin ayaa sidoo kale lagu eedeeyey iney inay isku dayday inay sameyso waxyaabo qarxa si ay weeraradaas u fuliso.

Wararka ayaa sheegaya iney xili dhow qaadatay diinta islaamka, ayna xiriir la laheyd koox Facebook laga asaasay oo taageera urur la yiraahdo Xisbu tahrir.

Ururkan ayaa lagu maamnuucay waddamo badan, balse dalka Denmark ayaanan weli mamnuucin, waxayna muslimiinta ku dhiirri geliyaan aas-aasidda dalweyne iyo xukuumada islaami ah.

Maxkamadeynta gabadhaasi yar ayaan loo ogolaan doonin warbaahinta iney goob joog ka noqdaan sida ay sheegeen Booliska dalkaasi.