Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Oo Dhac u gaystay xarunta Website ka Goobsan

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida oo uu hogaaminayay Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa Xalay gudaha u galay Xarunta Website-ka Goobsan Media ee ku taalla Dagmada Howl-wadaag ee magaalada muqdisho,

Ciidamadan ayaa xafiiska ka qaatay dhamaan wixii agab ahaa ee yaalay. Qalabkan oo koobnaa 2 Kombuutar Desktop ah, 1 Kaamiro Canon EOS 6D, Printer HP OfficeJet Pro 8715 iyo Samsung Tv Screen,
Lama oga sabata dhabta ah ee ka dambeysay tallaabada ay ciidamada nabadsugida ku dhaqaaqeen mana jirto warqad cadayn ah oo ay wateen xiliga ay soo galeen xafiiska,

Maalintii Sabtida ayay ahayd markii Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) uu xiriir la soo sameeyay Xafiiska warbaahinta Goobsan ee magaalada muqdisho isgaoo amar ku siiyay in website-ka laga saaro wararka la xiriira Xasuuqii Jimcihii ka Dhacay Bariire,hase ahaatee Maamulka website ku ku adkaystay inaan la iska indha tirin dhibaatada shacabka Loo gaystay,

Aggaasimaha Warbaahinta Goobsan Ahmed Yare ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid baalmarsan Dowladnimada isla markaana cambaareeyay falkan burcadnimo ee uu lagu boobay qalabkii ay ku shaqaynayeen, Sidoo kalana ka codsaday Dowlada Federaalka in ay wax ka qabato dhacdadan Foosha xun,

Dowlada Federaalka Ayaa mudooyinkii u danbeeyay Cadaadis ku haysay Saxaafada Madaxa Banaan ee ka howl-gasha gudaha dalka Soomaaliya,