Burcad-Baddeed Soomaali Ah Oo la soo taagay Maxkamad ku taala Hindiya

Wargeyska The Indian Express ayaa qoray in 60 Somali ka mid ahaa Burcad-baddeed ku xirnaa dalka Hindiya shalay la soo taagay Maxkamadda magaalladda Mumbai ee dalkaasi.

Eedeysanayaasha oo ka mid ah 118 Somali ku xirnaa dalkaasi ayaa lagu soo oogay inay sannadkii 2011-kii weerareen Markab Ganacsi oo marayey Xeebaha Somalia.

60-ka Eedeysane waxay qirteen Dembiyadii lagu soo oogay, oo ay ku jireen Burccad-baddeednimo iyo in markii ay Ciiddanka Badda ka soo qabteen Badda Somalia haysteen 10 Qoryaha AK 47 iyo 2 Baasuuke.