Al-shabaab Hala Waydiiyo ?

Waxaa Jira  Xadiis inta badan dadku ay maqleen. Xadiisku wuxuu ahaa iyadoo Nabiga (SCW) uu dagaal fool ka fool uu cadawgiisa kula jiro ayaa Usaama Ibnu Zayd oo dadka Nabigu (SCW) ugu jecelyahay Asxaabtiisa ka mid ah wuxuu seefta madaxa ka saaray nin Cadawgii ka mid ah, Ninkii wuu

Tawxiidsaday. Usaama wuu labalabeeeyey, laakiin markii danbe wuu dilay ninkii. Nabiga ayuu warkii gaaray.

Nabiga wuxuu Usaama waydiiyey Maxaad ruux Tawxiidsaday ku dishay? Wuxuu ku jawaabay Rasuulkii Alow wuu ku dhumuunayey Tawxiidka. Nabigu wuxuu ugu jawaabay maa adigaa ayaa qalbigiisa jeexay? Xageed Qiyaamaha Kalmadii Tawxiidka ka gelaysaa?

Usaaama wuxuu yiri waxaan u shalaayey in aan maalintaas dhalan lahaa. Dhowr arrimood ayaa Xadiiskan ku jira

1- Tan hore waa in aan dadka Xukunkooda Diineed gaar ahaan Caqiidadooda, iyo wixii quluubtooda ku jira lagu degdegin

2- In Fatwada iyo Xukunka ay labo kala yihiin. Fatwadu waxay tilmaamtaa ficil caam ah waxaana soo saara Culimada Diinta, laakiin xukunku wuxuu ku dhacayaa dadka waxaana soo saara Hay’ad Garsoor. Tusaale ahaan Sheekha caalimka wuxuu oran karaa falka noocaas ah waxaa looga bixi karaa diinta, laakiin Ruux hebel ama koox hebel Diinteey ka baxeen waa xukun waxaana qaadi kara oo keli ah Hay’ad Garsoor ama Maxkamad. Waana in ay eedeysanaha dhagaysataa waxa lagu haysto iyo waxa ku bixiyey.

3- Ruuxa askariga ah ama shakhsi in uusan go’aanka ruux lagu dili karo uusan isagu lahayn ee ay tahay mid Madaxda ama cidii hogaanka Muslimiinta haysa ay go’aanka leedahay, waana taas tan keenaysa in go’aan kasta ee xukun dil ah uu Madaxwenuhu saxiixo. Hadii Usaama uu ninkaa Nabiga (CSW) u keeni lahaa go’aankii uu ka gaaraba isagu waa ku eed la’aan lahaa. Ma ahayn in Nabigu (SCW) uusan Usaama rumaysanin ee wuxuu diidanaa in ay furto wado uu askarigu go’aan xajmigaas leh ku qaato isagoon madaxdiisa u soo noqon.

Maxaad u malaynaysaa dadka maalin walba dad Muslimiin ah iyo kuwo aan Muslimiin ahayn oo wax ay galabsadeen aysan jirin xasuuqaya?

Alshabaab waxay ku doodayaan in sababta ay dadka u xasuuqayaan ay tahay in ay yihiin kuwo diinta ka baxay, waa yaabe yaa xukunkaas qaaday? Hadiise Nabigeenu noolaan lahaa uu su’aashii uu Usaama waydiiyey waydiin lahaa maxay ku jawaabi lahaayeen?

Waxay kaloo ku doodeen in  dadkii ay Westgate iyo jaamacada Gaarisa ku laayeen ay sababteedu tahay in Kenya ay Soomaaliy ku duushay, waxaan waydiin lahaa Horjoogayaasha Al-shabaab dhalinyaradii iyo waxgaradkii ay Shaamoow ku xasuuqeen ma waalidiintooda Soomaaliya ku soo duulay?

Cheif Editor Goobsan Media Inc.                                                                               Jabril Yahye Isse