Soomaaliya oo taageertay Bayaankii Dowladda Masar ee garab istaaga ugu muujisay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhoweysay bayaanka rasmiga ah ee kasoo baxay Jamhuuriyadda Masar oo markale adkeeysey isku-duubnida buuxda ee Masar ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida, nabadda, iyo horumarka.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mowqifka Masar inuu yahay “muuqaal dhab ah oo ka tarjumaya xiriirka taariikhiga ah, qotada dheer, iyo walaaltinimada ee ka dhaxeysa labada dowladood iyo labada shacab.”

Wasaaraddu waxay carrabka ku adkeysay in taageerada joogtada ah ee Masar ay kaalin muuqata ay ka qaadaneyso, Sugidda madaxbannaanida Soomaaliya, Xoojinta nabadda gobolka, La-dagaallanka argagixisada, Dhismaha hay’adaha dowladda iyo Doorka Masar ee Caalamiga ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale si gaar ah u xusay doorka muhiimka ah ee Masar ay ka ciyaarto sidii loo heli lahaa taageero goboleed iyo mid caalami ah oo ku aaddan arrimaha Soomaaliya. Waxaa lagu bogaadiyey dadaallada Masar ee lagu, Xoojinayo amniga gudaha, iyo Taageerada hirgelinta sharciga, 

Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah u amaantay kaalinta Masar ee howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), iyada oo lagu tilmaamay in taageeradaasi ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah mustaqbal nabdoon, xasilloon, iyo horumar leh oo Soomaaliyeed.