Go’aankani oo ka soo baxay Maxakamada Federaali ah ee dalka Mareykanka ayaa farxadgeliyay muwaadiniinta wadamo Soomaaliya ay kujirto’kuwaasi oo madaxweyne Trump uu horey uga joojiyay dal kugalka waxayna sheegeen in ay si weyn u so dhaweynayaan.
Dadkii loo diiday inay galaan dalka Mareykanka ayaa haatan ufuran in ay dib u codsan karaan dal-ku-galka dalkaasi mraeykanka, kaddib markii maxkamad federaal ah ay go`aan ka soo saartay amarka madaxweyne Donal Trump.
Donal Jey Trump Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa amarkaasi saxiixay bishii January, kaas oo ka mamnuucaya muwaaddiniinta toddoba dal oo Muslim ah Soomaaliya ay ku jirto inay galaan Mareykanka.
Mareykanka ayaa haatan waxaa uu wajahayan in uu xiriiro la sameeyo shakhsiyaadka ka laabtay xudduudaha kaddib amarkii sare oo dhaqan galay 27-kii January,waxaana la sheegay in Heshiiskanuusan damaanad qaadeynin in codsadayaasha ay helayaan dal-ku-galka.