Warbixino iyo sawiradii laga soo qaaday xaalada abaaraha deegaano hoostaga maamulka Galmudug

 

Soomaaliya waxaa hadda ka jira dhibaatooyin fara badan oo ay ugu daran tahay abaarta, si aan ugu kuur galo saamaynta ay abaartu ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool Bariga Gobolka Mudug ayaa Gaalkacyo oo aan diyarad ku tegey ka dib waxaan safarkayga ka bilaabay anigoo dhulka maraya Deegaanka CARFUUDA oo 20 KM u jirta Gaalkacyo, kala bar in ka badan dadkii halkaasi ku noolaa waxay u bara kaceen deegaanka XAAR-XAAR halkaasi oo xarun u ah dadkii ka barakacay dagaaladii Gaalkacyo.

Dhibaatada halkaasi ka jirta ma yarayn waxaad ka garan kartaa Fuustada Biyaha la cabo waxaa la kala siistaa 160.000 Sh. So. oo u dhiganta 6$, ma laha xarun caafimaadka ama MCH, waxbarasho ma leh wax horumarna haba sheegin.

Intaasi kadib waxaan tagay deegaanada BAJEELA, AF-GUDUUDLE, XAARO, LAASO CAYR, CEEL DIBIR, XERO DHAGAXLAY, WISIL, JIRAY, BIYAMAAL, CADAAD LOW LOW, HOBYO, LEBED, BUD BUD, XIIN GOD, anigoo sii maray DOCOL, WAR GALO iyo GAWAAN, markii dambana soo maray BANDAR QAALI, BITAALE iyo QAR QOORO DHEER.

Meelahaasi waxaa ka jira dhibaatooyin ay ugu daran tahay abaarta, muddo labo sano ah wax roob ah kuma hoorin degaanadaasi, xoolihii kala bar waa le’deen, nolosha dadkuna waa mid aan la sheegi karin, dhulku waa geed gaab mana jiro geed cagaaran oo ay daaqaan hanbada xoolaha ka hartay, haddii la iibsan lahaa xoolaha beec ma leh, kuwo irmaana maba jiraan, haddii ay jiraanna waa fara ku tiris, shaaha la cabo Caano Booro ayaa lagu Caddaystaa Beled & Baadiyaba, waxaa la siiyaa caruurta Caano Booro, si kastaba waan ogaa in dhulka abaari ka jirto laakiinse waxaan soo arkay in ka badan waxaan filayay sababtoo ah waxaan arkay dad waashay markii duunyadii dhaaftay, waxaan arkay Ari Geella ka adkaysi badan, waxaan arkay nin haysta afar tiro oo Ari ah (Afar Boqol) oo shaaha caano boore ku caddaysanaya, waxaan arkay Ari ceelkii u muuqdo oo booyad biyo loogu dhaaminayo, waxaan arkay Geel Mesego loo karinayo, waxaan arkay lo’ baakaddo lagu quudinayo, waxaan arkay baraago qarxay markii ay dhibic roob ah waayeen, waxaan arkay dugsiyo Qu’aan oo laga hayaamay iyo caruur iyo waayeel nafaqo daro la il daran.

Dhibaatada ugu daran ee deegaanadaasi ka jirta waa biya la’aan saamaysay dadka iyo duunyada intaba, biyaha waxaa loo yaqaan labo nuuc oo loo kala bixiyay BIYO SOOLAR & BIYO XAREED, Biyo Soolarka ah waxaa looga jeedaa biyaha qaraar, kuwa macaana waa xareed, kuwa xareeda ah waxaa loo gadaa sida biyaha sifaysan ee magaalooyinka lagu iibiyo ee loo yaqaano (MOOYA SIXIDA ama DUR-DUR) inta badan deegaanada aan tagay ma jiraan Matooro Biyaha soo saara, waxaana Ceelasha lagu cabaa WADAAN sida degaanada BAJEELA, XAARO, LAASO CAYR, CEEL DIBIR, AF-GUDUUDLE, XERO DHAGAXLAY, LEBED, BUD BUD, BANDAR QAALI, BITAALE, iyo QAR QOORO DHEER, biyuhu waa qaraar oo aan nafta loo quuri karin waxaana ku dhiban dadka nugulka ah sida caruurta haweenka iyo waayeelka, waxaa jira kuwo aan lahaynba wax ceelal ah sida deegaanada JIRAY, BIYAMAAL, CARFUUDA, LAASO CADALE iyo CADAAD LOW LOW. Balse waxay lahaayeen BARAAGO waana qarxeen markii ay waayeen dhibicda roobka goobta ugu dhow ee deegaanadaasi biyo ka heli karaan waa 15 KM.

Biyo xumadaasi waxay aafaysay noolaha oo dhan. Qiimaha biyaha ayaa ahaa kuwo kala duwan oo Booyadii biyo ah inta ka sokaysa HOBYO waxaa la kala siistaa 150$ inta ka shishaysana ee u dhaxaysa BUD BUD iyo CEEL DIBIR waa 400$ waana la daymiyaa dadka oo waxaa lagu xujeeyaa in deyn bixiyaha kaliya laga iibin karo xoolahaasi markii la roobsado, in lacagtaasi la helo waa adag tahay. Dadkana inta badan waa wada qaamaysan yihiin.

Dhibaato kale waxay ahayd wado la’aan ay ka sinaayeen deegaanadii aan booqday meel kasta waxaa ku yaala waxa loo yaqaan RASTO Ameerikaan bacaad duugay ama Dhagax Goglan oo laba baabuur isku dhaafi Karin. Tusaalle fiican oo aan la kulmay haddii aad Booyad Biyo ah dalbato si aad xoolahaaga ugu waraabsato, waxaad ku qasban tahay inaad hagaajiso wadada ay Biyahaasi soo marayaan, dhinaca kale haddii ay dhacdo in la soo gurmado ma laha wado la maro si dadka loo bad baadiyo, waxaase yididiilo leh wado Jaay ah oo laga bilaabay WISIL oo hadda maraysa GAWAAN lana doonayo in HOBYO la gaarsiiyo.

Deegaanada leh Rugaha Caafimaad sida MCH waxaa fara ku tiris waxaana ka mid ah WISIL, HOBYO, BUD BUD, iyo XERO DHAGAXLEY, waxaa jira kuwo leh Rugo Caafimaad oo haddana aan shaqayn iyadoo laga cabanayo daawo la’aan

xuquuqda sawirada Mr,Abdinasir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here