Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dagaaladii Somaliland Iyo Puntland

Magaalada Tuko raq waxaa gacanta ku dhigay subaxnimadii horre ee maanta Ciidamo ka amar qaadanaya maamulka Somaliland oo ku hubaysan noocyadda kala duwan ee dabaabaadka dagaalka, Iyadoona halkaas laga baacsadey ciidamo ka tirsan Dowladda maamulka Puntland.

Ciidanka Somaliland ayaa qiyaastii 4 KM meel ka durugsan Tuko-Raq oo ka xigta dhinaca Tuulada Geed-Qaboobe dhigtey bar kantarool halka ciidanka Puntland ee saaka laga qabsadey Tuko-Raq fariisimo ka samaysteen qiyaastii meel 6 KM u jirta Tuko-Raq.

Jawiga goobtu wuxuu u muuqday saansaan dagaal wallow aysan jirin gurmadyo xoog leh oo ay halkaas geysay Dowladda Puntland marka laga reebo ciidamadii saaka dagaalku dhexmarey ciidanka Somaliland ee qabsadey Tuulada Tuko raq.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland Axmed Cismaan Cilmi (Axmed Karaash) Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne iyo Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee baarlamanka Puntland Xuseen Xaaji Yaasiin oo gaarey jiida ay  isku horfadhiyaan Puntland iyo Somaliland ayaa ku hawlan abaabulka dhaq dhaqaaq ciidan oo ay Puntland doonayso inay isaga difaacdo Somaliland.