Maalmihii la soo dhaafay waxaa dagaal beeleedyo ay ka socdeen qeybo ka mid ah Xadka u dhaxeeya gobolada hiiraan iyo Galgaduud gaar ahaan deegaanka Baanyaaley oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan,dagaalkas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaas waxaa ku geeriyooday in ka badan 20 ruux oo dhinacyadii dagaalamay iyo dad Shacab ah halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.
Waxaa xiligan socda waan waan ay wadaan waxgaradka gobolada hiiraan iyo Galgaduud iyo sidoo kale masuuliyiin ka kala soca Maamulada hir-Shabeelle iyo Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca oo xubno ka kala socda ay gaareen deegaanka Baanyaaley oo labada Maleeshiyo beeled ay weli iskuhor fadhiyaan.
Wafdigaan ayaa u tagay goobtaas in la kala qaado ciidankan iyo in nabad lagu soo dabaalo, dadkaan ayaa la sheegay in ay isku haystaan Degaan.