SAWIRRO: Puntland oo howgalo balaaran ka sameysay buuraha Cal-miskaat (Sawirro)

Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ayaa howlgalo kawada Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, gaar ahaan aaga degmada Balidhidin iyo tuulada Beeliwacatay.

Howlgalkaan ayaa waxa lagula dagaalamayaa dagaalyaanada Xarakadda Al-shaabab ee kooxda Daacish-ta Soomaliya ee ku awooda badan buuraha Gal-gala.
Hawlgalladan ay ciidamada Puntland muddooyinkan dambe ka wadaan Buuraha Cal Miskaat iyo Cal Madow ee gobolada Bari iyo Sanaag ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo ay ciidamada Puntland kaga saaranayaan Al-shabab iyo Daacish goobaha ay kaga sugan yihiin Puntland.

Saraakiisha Ciidamada PSF ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu curyaaminayo khatarta Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.