SAWIRRO: Gudoomiye Yariisow oo Mas’uuliyiin Shiinees ah kala hadlay Horumarinta Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda dawladda Shiinaha oo ay ka mid yihiin shirkado ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka.

Kulanka ayaa waxay iskula soo qaadeen sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay ula tartami lahayd caasimadaha caalamka, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo bulaacadaha.

Guddoomiye  Yarisow ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid looga xaajoonayo sidii magaalada Muqdisho ay u heli lahayd maalgashi iyo horumarin ballaaran, si ay tartan ula gasho caasimadaha dalalka kale ee caalamka. Isagoo tilmaamay in ay ka wada hadleen wax yaabaha mudnaanta gaarka ah ay siinayaan, dhankoodana balan qaadeen wax walba oo macquul ah in ay nagala shaqeynayaan.

“Kulanka aan la qaatay wafdiga ka socda dawladda Shiinaha ee kamid ahaayeen shirkadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan iskula soo qaadnay sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka, waana ku heshiinay, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo xal u helidda bullaacadaha”. Ayuu yiri Eng Yarisow.

Madaxa Waaxda Cilmi baarista iyo muxudadaadka dalka Shiinaha oo wafdiga hoggaamiyey ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay horumarin ballaaran in lagu sameeyo adeegyada guud ayna aqoon wanaagsan u leeyihiin dhinaca casriyeynta Caasimadaha. Waxana ay uga mahadceliyeen guddoomiyaha gobolka Benaadir soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta wanaagsan.