Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxmed (Farmaajo) ayaa lagu wadaa in Safarkiisa uu u weeciyo dhanka Degmada Hobyo ee Koonfur Bari Gobalka Mudug si uu Xariga uga jaro Dekeda Hobyo muddooyinkii Danbe Maamulka Galmudug oo kaashanaya ganacsatada Deegaanka uu dadaal ugu jiray sidii loo howlgalin lahaa.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Duucaale Geelle (Xaaf) ayaa Sheegay in Madaxweynaha Qaranka uusan Galmudug ka tagi doonin asagoo aan Xariga ka jarin Dekedda Degmada Hobyo oo ah halka kaliya ee Maamulka Galmudug uu ka heli karo ilo Dhaqaale ka Caawiya ka jawaabida Baahida Bulshada Gobalada Dhexe.
Madaxweyne Xaaf oo uu garab taagan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Boqolaal Shacab ah kula hadlayay Gaalkacyo ayaa Sheegay Wax badan uu sugayey Fursad uu Maxadweyne farmaajo kula kulmo asagoo ku jira Socdaalka Gobalada si uu u dulgeeyo Dhismaha Dekeda Hobyo ee Gobalka Mudug,balse uu hada Fursad u helay Madaxweyne uu Safar dhulka ah ku jira,islamarkaasna uu geyn doono Magaalada Hobyo si uu Xariga uga jaro Dekeda Hobyo.