Madaxweyne farmaajo oo ka qaybgalay Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo ka Furmay Urdun

Shirka 28-aad ee Madaxda Wadamada Jaamacadda Carabta ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu ka furmay Wadanka Urdun.

Shirkaan waxaa Soomaaliya u matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi farmaajo iyo Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo.

Waxaa ka qaybgalaya Shirkaan, Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Gudoomiyaha Midowga Afrika, Xoghaayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Wakiilo ka socda Midowga Yurub, Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka, Wakiilka Gaar ah ee Madaxweynaha Maraykanka, Wakiilka Gaar ah ee dowladda Faransiiska, Boqoro, Amiiro iyo Madax kala duwan.

©Goobsan  Media

 

Warbaahinta Goobsan kala Soco Wararkii U danbeeyay ee Dunida
SHARE