Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo bandhigay qaraxyadii ka dhacay Bishii October ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe iyo Hotelka Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho.
Guddiga Gurmad Qaran oo muddooyinkii dambe ku hawlanaa caawinta dadkii ay masiibooyinkaasi saameysay, ayaa xalay soo bandhigay jadwal muujinaya sida dadka ay usaameysay qaraxyadii Zoobe iyo weerarkii Hotel Naasa Hablood.
Guddiga ayaa jadwalkooda ku saleeyan hanaankaan.
Qaraxii Zoobe oo ahaa kii ugu waynaa ee abid ka dhaca Afrika, ayaa wuxuu saameeyay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku noolaa Magaalada Muqdisho.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaasi, maadaama Shabaab ay ka aamuseen, sidoo kalena aysan jirin cid gaar ah oo sheegatay.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay masuuliyadda qaraxyadii dhacay inay ka dambeeyeen Al Shabaab oo dad badan ay ku dhibaateeyeen.