Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo wada hadalada Somaliya ee lagu balansanaa, ka dib hadalkii uu Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre kaga fal celiyay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Berbera ku saabsan ee dhex maray, Itoobiya, Somaliland iyo shirkadda DP world.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo warbaahinta deegaanadaas la hadlay ayaa sheegay in Cunfigaas ay muujiyeen Somaliya ay keenayso iney dib uga fiirsadaan wada hadaladii jiray.
“dib ayaana ugafiirsanaynaa, jawigan ay imika abuureena maba aha jawi lagu wada hadli karaba”
Ayaa kamid ahaa hadalada Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland Dr Sacad Cali Shire.
Wasiir Dr Sacad Cali Shire ayaa sido kale mar wax laga weydiyay, haddii ay Soomaaliya ku adkaysto mawqifkeeda ah inuu heshiiskan saddex geesoodka ahi uusharci daro yahay, ayaa waxuu yiri.
“Weynu ka tashan doonaa haddii jawi lagu wada hadlaa aanu jirin, wax lagu wada hadlaa maba jiraan”
Wareysiga wasiirka ayaa waxuu taabanayay meelo badan, gaba gabadii mar wax laga weydiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, iney jiraan dad ku doodaya in heshiiskii DP world ee ay golaha wakiiladu ansixiyeen uu ku jiray, qodob odhanaya in aanay Somaliland iyo DP World midna saamigiisa muddo shan sanno ah iibin karin, hadana la sheegayo in laga iibinayo dowladda Itoopiya.
“Heshiiska waxa ku qoran in cid waliba cida ay doonto ka iibin karto haddii cida kale raali ka tahay, laakiin waa in aanay ka bixin oo saamigeeda wada iibinin, oo aanay ka bixin kana tagin meesha gabigeedaba kana noqon, markaas shanta sanno waa sidaas, laakiin qolo waliba xaq bay u leedahay inay saamigeeda cid kale la qaybsato, waa haddii aynu raali ka nahay”. Ayuu yiri Wasiir Dr Sacad Cali Shire.
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda aysan aqoonsanayn heshiiskii dhexmaray shirkadda DP World ee Imaaraatka iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taagga ee Somaliland.