Hay’adda Socdaalka XFS oo hirgalisay adeegga E-VISA

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay adeeg cusub oo Online ah, kaas oo dadka ajaanibta ah ugu sahlaya inay si toos ah u dalbadaan fiisaha dal-ku-galka Soomaaliya. Waa markii ugu horraysay ee dalka laga hirgeliyo nidaam noocan ah.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa sheegtay in adeeggan ay si weyn uga faa’iidaysan doonaan dadka ajaanibta ah ee qorsheynaya inay u safraan Soomaaliya. Agaasimaha guud ee Hay’adda, Mustafe Dhuxulow, ayaa xusay in nidaamkan cusub uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga dalka, maaddaama xogta qof kasta oo fiiso dalbanaya si rasmi ah loo diiwaangelin doono.

Agaasime Dhuxulow ayaa sidoo kale tilmaamay in adeeggan uu gacan ka geysan doono kor u qaadista dakhliga dowladda, isagoo ku dhiirrigeliyay ajaanibta inay si fudud uga soo dalbadaan hay’adda socdaalka fiisaha Soomaaliya meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, ayaa soo dhoweeyay hirgelinta adeeggan, isaga oo sheegay in uu hay’adaha amniga ka caawin doono la socodka iyo kormeerka qulqulka dadka soo galaya dalka.

Soomaaliya ayaa haatan ku biirtay in ka badan 120 dal oo hore u adeegsaday nidaamka fiisaha Online-ka. Ka hor intii aan nidaamkan la hirgelin, fiisaha dadka ajaanibta ah waxa lagu bixin jiray oo keliya garoomada diyaaradaha gudaha dalka.