Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka sheegay in xabsiga laga sii wada daynayo dhammaan dadka u xidh xidhan sababo siyaasadeed, islamarkaasna la xidhayo xabsiga weyn ee Maekelawi.
Waxa kale oo uu sheegay in dadka xukun sugayaasha ah iyaguna la cafiyay.
Itoobiya ayaa lagu eedeeyaa ku xad gudub xuquuqda aadanaha, iyada oo la xidhxidho dadka mucaaradka ah.
Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda qirato in ay xabsiyada ku heyso dad u xidhxidhan sababo siyaasadeed.
Lama oga tirada rasmiga ah ee dadka siyaasadda u xidhxidhan, balse waxaa la ogyahay in kumanaan qof loo xidhay arimo siyaasadeed sanadkii 2015-kii.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii 19 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin ururka Ginbot 7 lagu xukumay dacwado la xidhiidha argagixisonimo.
Ma cadda waxa uu ka dhashay go’aankan, balse wuxuu imanayaa kadib wadatashiyo uu lahaa xisbiga talada haya ee EPRDF.