Axmed Shafiq Raysalwasaarihii hore ee Masar ahna murashax u taagan xilka Madaxweynaha Masar ayaa xalay (Sabtidii) gaaray magaalada Qaahira kadib markii laga tarxiilay dalka Istuga Imaaraatiga Carabta oo uu muddooyinkii danbe ku noolaa.
Shafiq ayaa Arbacadii si rasmi ah u shaaciyey inuu ka qeyb geli doono tartanka Doorashada Madaxweynaha Masar ee sanadka soo socda 2018, isagoona la loolami doona Madaxweyne Cabdifatax Al Sisi.
Raysalwasaarihii hore Axmed Shafiq ayaa doorashadii 2012 waxaa uga guuleystay Cabdifatax Al Sisi, wuxuuna sheegay inuu markale geli doono doorashada isagoo muuqaal uu baahiyey Arbacadii ku eedeeyey in dowlada Imaaraatiga ay xanibaad dul dhigtay isla markaana u diiday inuu safro.
Balse Wasiirka Arrimaha Dibada ee Imaaraatiga Anwar Gargash ayaa isla Arbacadii lasoo dhaafay beeniyey in dowladiisa ay xayiraad dhanka socdaalka ah dul dhigtay Axmed Shafiq.
Mudane Shafiq soo dhaweyn fiican baan u sameyn markii looga soo guuleystay doorashadii 2012, isagoo baxsad ah ayuu dalkeena yimid, waxaana u fidinay soodhaweyn wanaagsan sida dhaqankeenu yahay, xataa anagoo og in siyaasadaha Shafiq qaarkood ay yihiin kuwo aanan taageersaneyn….” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Imaaraatiga oo beeniyey inay wax cadaadis ah saareen siyaasigaasi.
Sida laga soo xiganayo Qoyska iyo Qareenka Axmed Shafiq, dowlada Imaaraatiga ayaa xirtay hogaamiyahaasi Jimcihii lasoo dhaafay, iyagoona Sabtidii shalay xili danbe u tarxiilay wadankiisa.
Dowlada Imaaraatiga ayaa hada xiriir dhaw laleh Madaxweynaha xilka haya ee Masar Cabdifatax Al Sisi oo u arka Axmed Shafiq murashaxiinta loolanka adag kula jira, Sisi ayaa hada kamid ah xulafada dalalka Carabta oo ay hogaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraatiga.