Dowladda Qatar oo balan qaaday dhismaha Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliya General C/wali Jaamac Xuseen Gorod ayaa gaaray Magaalada Doha ee wadanka Qadar

Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Bada ee soomaaliya iyo Gudoomiyaha gudiga Difaaca golaha Shacabka

S/gaas C/wali Jaamac Xuseen Taliyaha ciidanka xoogga dalka  ayaa kulmay Wasiirka Difaaca Qadar Khalid bin Mohammad Al Attiyah isagoona kala hadlay dhismaha Xarumaha Ciidanka xoogga dalka iyo Xoojinta ciidanka xoogga dalka

Wasiirka Difaaca Qadar Khalid bin Mohammad Al Attiyah waxa uu dhankiisa sheegay in dowlada Qadar ay taageero siineyso dowlada Soomaaliya waxa uuna  dhanka kale balan qaaday in Qadar ay dhiseyso xarumaha ciidamada xoogga dalka soomaaliya