Taliyaha Guutada 52-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen in ay dagaal ku qaadaan goobaha ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta amarka Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in dagaal lagu qaado Al-shabaab.
Waxa uu tilmaamay in ay ka shaqeynayaan sidii ururka Al-Shabaab ay kaga saari lahaayeen degaanada ay hada kaga sugan yihiin gobolka islamarkaana ay qaadayaan howlgalkii ugu dambeeyay.
Taliyaha Guutada 52-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin u geystaan dadka shacabka ah.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhac u geystaan dadka xoolaleyda ah iyo dadka ganacsatada ah waa sida uu hadalka u dhigay taliye Axmed Tareedisho.