Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ku amray in Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cali Cabdullaahi Cosoble uu si deg deg ah uga baxo Magalada Jowhar.
Amarkan ayaa ka soo baxay Xafiiska Cali Guudlaawe Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle si ay xaqiijiyeen Saraakiil ku dhow dhow,waxa uuna u qabtay in mudo 6 Saacadood ah uu uga baxo Magaalada Jowhar.
Xiisada ka dhex taagan Maamulka Hir-Shabeelle oo saacadihii la soo dhaafay sii xoogeysatay ayaa sababay hadalka Cali Guudlaawe,waxana Ciidamada Amisom ee jooga Magaalada Jowhar la sheegay in ay leeyihiin fulinta howshan.
Sidoo kale Waxaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay ka ambaxabaan wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo doonaya in ay dhex dhexaadiyaan Hogganka sare ee Hir-Shabeelle oo haatan uu ka dhex jiro khilaaf isku bedelay xilka qaadis.
Magaalada Jowhar waxa haatan ka socda Shirar kala gooni Gooni ah oo ay leeyihiin xildhibaanada hir-Shabeelle,waxana hada la sugayaa Go’aanka uu qaato Cali cabdullahi Cosoble Madaxweynihii Hir-Shabeelle balse Xildhibaanada Hir-Shabeelle ay sheegeen in ay xilkii k qaadeen.
Xigasho Radio Dalsan