Wararka aan ka helayno Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay shaly ilaa iyo maanta ay kasoo gudbeen xaduudka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Askartan ayaa la sheegay in ay wataan Gaadiidka dagaalka oo dhan 30 Gaari halka tiradoodana lagu qiyaasay ilaa iyo Kun Askari.
Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay Kaabi doonaan Askarta Itoobiyaanka ee horay u joogay Deegaanada Gobolka Gedo kuwaas oo la doonayo in ay ka qayb qaataan Weerarada lagu qaadayo Al-shabaab ayadoo la ogsoonyahay in Madaxweyne Farmaajo uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab kadib qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hase yeeshee waxey ku gaabsadeen in ciidamo Ethiopian ah ay horey u joogeen gobolka, isla markaana uu socdo abaabulka duulaan xooggan oo ka dhan ah al-Shabaab.
Ethiopia ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah kuwa AMISOM, bishii October ee sanadkii tagayna ciidamo badan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka oo Ethioopia ka joogay Soomaaliya aya baaneeyay saldhigo badan oo ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga sugnaayeen.
Xigasho VOA Somali.