Ciidamo hubeysan oo la wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Ciidamadaan oo isugu jira Nabadsugid iyo Ciidamada gaarka ah ee dowladda ayaa gebi ahaamba la wareegay amniga Xarunta dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Ciidamadaan ayaa sidoo kale waxa ay kala eryeen Ciidamo Boolis ah oo ilaalo ka hayay Xarunta,waxaana la arkayaa iyaga oo taagan Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta.

Ciidamadaan la wareegay ammaanka Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadeysa xili Madaxweynaha Soomaaliya uu xilkii ka qaaday Gudoomiyaha G/Banaadir ahaana duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Ciidamo lasoo dhoobo Xaunta iyo Nawaaxigeeda.