Waxaan toddobaadkan Barnaamijka Tubta Nabadda ku xuseynnaa Maalinta Caalamiga ah ee Xuska iyo U Baroordiiqidda Dhibbanayaasha weerarrada argagaxiso. Waxaan maamuusaynnaa adkaysiga iyo dhiirrannaanta dhibbanayaasha, annagoo dib u milicsaneynno saameynta guud ee weerarrada argagaxiso ay ku yeeshaan shakhsiyaadka, qoysaska iyo bulshooyinka.
Qaybta koowaad ee Barnaamijka, waxaan ku dhageysan doonnaa Cabdiqani Cali Aadan oo ka badbaaday weerarkii argagaxiso ee 14-kii Oktoobar ee 2017 ka dhacay Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 500 oo dad Soomaaliyeed oo rayid ah. Wuxuu ka hadlayaa sida dhacdadii maalintaas ay u saameysay asaga iyo dadkii kale ee waxyeelladu ka soo gaartay, iyo taageerada dhibbanayaasha ay u baahan yihiin si ay noloshooda dib ugu dhisaan.
Qaybta labaad, Saynab Maxamuud Warsame, oo iyadana weerar agagaxiso ka badbaadday isla markaasna ah guddoomiyaha Ururka badbaadayaasha Soomaaliya ayaa ka hadleyso baahida loo qabo taageero dhimir iyo maaliyadeed oo lagu caawinayo dib u soo kabashada iyo caafimaadka dhibbanayaasha.
Waxaa qaybtan soo jeedinaya Faa’isa Cabdi iyo Cabdicasiis Diiriye.
Si aad wax badan uga ogaato wararka iyo warbixinada Xafiiska Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS)