Baarlamaanka dalka Itoobiya oo Guddi u saaray isku dhacyadii Soomaalida iyo Oromada

Baarlamaanka dalka Ethiopia ayaa guddi baaris ah u saaray isku dhacyadii dhiiga badan uu ku daatay ee salka ku hayay khilaafka qowmiyadda Oromada ethopia iyo soomaalida Deegaanka Itoobiya.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Ethiopia Shitaye Minale ayaa waxa uu sheegay in guddi qaas ah loo xil saaray si ay u soo ogaadaan waxa dhabta ah ee sababay ,xalka ugu wanaagsan ee loo heli karo isku dhacyada Oromada ethopia iyo soomaalida ku nool xadka ethopia.

Wakaalada wararka dalka ethopia ee ENA ayaa waxa sheegtay in guddiga imika uu ku howlanyahay warbixino laga diyaarinayo isku dhacyada ka taagan xadka ay wadagan Soomaaliya iyo Ethopia.

Isku dhacyadii ugu dambeeyay ee Oromada iyo soomaalida itoobiya u dhaxeeyay waxaa lagu dilay 78 qof oo kawada tirsan labada dhinac iyo halka kumaan qof oo kale ay barakaceen,iyada oo uu socdo howlgalka baaritaanada isku dhacyadaasi ayaa waxa ay guddiga sheegeen in dadka barakacay la gaarsiin doono gargaar bini’aadanimo.

Waxaana sidoo kale gudoomiye ku xigeenka baarlamaaknka Ethopia uu sheegay in lala xisaabtami doono mas’uuliyiinta deegaanadasi gacanta ku heysa iyadoo lagu sheegay in ay gabeen howlahooda shaqo kadib markii ay dhaceen isku dhacyada Qowmiyadaha iyo dibad baxyo saameeyn ku yeeshay nolosha dadka ku nool qeybo ka tirsan dalka ethopia.