Amarki labaad ee madaxweyne Trump ee ku aadanaa soogalootiga dalka Mareekanka oo la is hortaagay

Xaakim ku sugan Gobolka Hawaii ayaa amray in si ku meelgaadh ah loo joojiyo amarka cusub ee uu soo saaray madaxweyne Donald Trump oo dalkan kaga mamnuucayey qaxootyiga ka imanaya lix waddan oo Muslim ah amarkaasi oo dhaqangeli lahaa maanta.

Amarka ayaa dhigaya in muddo 90 cisho ah aan dal ku gal la siin karin muwaadhiniinta dalalka kala ah: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Sudan, Yemen iyo Iran. Waxa uu sidoo kale muddo 120 cisho ah mamnuucayaa dhammaan qaxootiga.

Xaakimkankan heerka federal ah ayaa waxuu marki hore ka furay dacwad Gobolka Hawaii kadibna waxaa lasoo sheegayaa inay durba ka furameen gobolada kale ee kala ah Washington, New York, Minnesota, Oregon, Massachusetts, iyo Maryland

Dadkan dacwadahan gudbiyay ayaa ku doodaya in amarkan uu hareer marsan yahay shuruucda federaalka Maraykanka ee ku aaddan soogalootiga.

Donald Trump ayaa la kulamaya dhaleeceyn badan oo ku aadan shuruucda isdaba jooga ah ee uu soo saaro kaasoo inta badan uusan wax la tashiyo ah la samayn hay’adaha ku shaqada leh, sidoo kale dadka kor kala socda siyaasada mareekanka ayaa sheegay in uu Trump ka dhex abuurayo nacayb bulsha waynta reer Mareekan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here