Akhriso: Sababta loo magacaabi la’yahay Taliyayaasha Nabad sugida iyo Booliska

Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababta loo magacaabi la’ yahay taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska Soomaliyeed.

Waxa uu sheegay in ka Xukuumadd ahaan ay wadaan qorshe ku aadan in la helo mas’uuliyiin ku haboon shaqada taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska Soomaliyeed, xili dalka ay ku sugan yihiin rag shaqadaas qaban kara.

“Muhiimadda ma ahan in  la magacaabo taliye Boolis ama Nabad Sugid,muhiimadda waxa ay tahay boolis iyo nabad noocee ah ayaa loo baahan yahay,iyo saldhig noocee ah ayaa loo baahan yahay,waxaa joogo ku-simayayaal shaqadaas haatan si fiican u wadda, ma ahan in xilalkaas loo magacaabo qofka ugu horeeya ee kasoo hor baxa, waxaan doonaynaa in xilalkaas aan u magacowno dad kasoo bixi kara”, ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Taliyayaashii hore ee Nabad Sugida iyo booliska Soomaliyeed C/laahi Maxamed Cali Sambalooshe iyo Jeneraal Saacid ayaa xilalka laga qaaday sanadkii aynu soo dhaafnay kadib markii ay ku fashilmeen sugida amniga dalka, iyo kororka qaraxyadda ay geystaan Al-shabaab.