War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa waxaa loogu yeeray in si deg deg ah in ay Muqdisho ku yimaadaan 14 ka mid ah Safiirada Soomaaliya u fadhiya Caalamka.
Hadaba baaritaan dheer oo lagu sameeyay sababaha ka dambeeya u yeeritaanka Safiiradaas ayaa waxaa lagu ogaaday in la bedeli doono isla markaana dadkii bedeli lahaa la diyaariyay Warkan la helay ayaan si sax ah loo hubin balse waa qorshaha ay damacsantahay Dowladdu in ay wax uga qabato wax ka badelka Siyaasada Dibeda laguna doonayo in lagu dar dar galiyo Howlaha la xariira Wasaarada Arrimaha Dibeda.
Sababta ka dambeysa in Safiiradaas loo yeero ayaa lagu shegay in mudo farabadan ay dalka ka maqnaayeen, waxaana xusid mudan in tan iyo doorashadii Madaxweyne Farmajo Saddex Safiir kaliya la Magacaabay
Dalalka loo yeeray ayaa waxa ay kala yihiin Jabuuti, Qatar, Abu Dhabi, Zambia, Shiinaha, Sudan, Kuwait, Uganda
Hadaba Hoos Ka Akhriso Magacyada Safiirada loo yeeray