Gaadiid dagaal iyo ciidan fara badan oo ka amar qaata Siyaasiin caan ah oo isaga baxay magaalada Muqdisho

Sida warar hoose aan ku heleeyno waxaa magaalada Muqdisho isaga baxay Gawaari gaashaaman iyo ciidankii saarnaa, Gawaaridan oo ah nuuca dagaalka ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay Lix gaari waxaana la sheegay in ay leeyihiiin Ganacsato iyo Siyaasiyiin Magac ku leh Gudaha Muqdisho.

Gawaaridan ayaa la sheegay in ay u ruqaansadeen dhanka magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe isla markaana Xarun u ah Maamulka Hirshabeelle.

Gaadiidkaan ayaa waxaa saaran Ciidamo ay leeyihiin siyaasiyiinta iyo Ganacsatada waxana la sheegay in ay ka carareen howlgalka hubka dhigista ee todobaadkii labaad  Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ay ka wadaan Ciidamada loogu magacdaray xasilinta amniga Muqdisho.

Saraakisha ka baxay caasimada si uusan hawlgalka uu saameyn waxa ka mid ah korneel Saneey oo ka mid ah taliyaasha Ciidamada xoogga dalka horayna uga dhega adeegay in Ciidamadiisa meleteriga ah uu ka saaro Magaalada muqdisho isagoo Fariisimo badan ay ku lahaayeen qeybo kamid ah degmada Karaan iyo waliba Xaafada siisii.

Sidaas si lamid ah Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyaha degmada Balcad Cismaan Xaadoole, oo iyana ku sugnaa degmada Kaaraan ayaa ka baxay Magaalada muqdisho kuwaas oo ka mid ahaa ciidamada meleteriga ee hoostaga Col,Saneey.

Ciidamada Xasilinta amniga muqdisho ayaa weli Muqdisho ka wada howlgalka ay kula dagaalamayaan dadka Hubka Culus iyo kan fudud muqdisho ku dhexwata,waxana madaxda dowladda Soomaaliya ay sheegeen in tani looga gol leeyihiin sidii loo nabadeyn lahaa Magaalada Muqdisho.

Siyaasin horay xilal uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray ayaa arintaan u arka kuwo keeni kara dagaalo sokeeye halka dadka qaarkood ay aaminsan yihiin in ay keeni karto in uu hagaago amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Tiradaan gaaraya il Lixda Gadiidka dagaalka ah iyo Ciidamada la socda oo ay leeyihiin Siyasiyiin iyo Ganacsato ee gaaray Jowhar,ayaan weli ka hadlin madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaase xusid mudan in weli Muqdisho ku sugan yihiin Siyaasiyiin aan xilka heyn dowladda ee Hubka uu weli Gacanta ugu jiro.