Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.
Ugu horreyn Madxaweynaha Puntland oo ka hadlay Munaasabadda daah furka Garoonka cusub ee Garoowe ayaa sheegay in mudda fog Maamulku in uu waday qorshaha dhismaha Garoonkaasi.
Waxaana uu u mahadceliyay dhammaan intii ka qeyb qaadatay dhismaha Garoonka oo si Casri ah loo dhisay.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” oo soo xiray Munaasabadda ayaa marka hore Puntland uga mahadceliyay horumarka dhanka dumuqraadiyada ee ay ku tallaabasadeen,
Waxaana uu ku amaanay dadaalka ay galiyeen sidii loo heli lahaa Garoon Caalami ah oo la jaan qaada Garoomada kale ee Caalamka oo laga hirgeliyo magaalada Garoowe.