Rag loo haysto Qaraxii Zoobe oo maanta la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada QS

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta waxaa la horgeeyay rag loo heysto qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Ragga Maxkamdda la horgeeyay ayaa gaarayay 5 nin, kuwaasi oo lagu soo qabtay howgal ay sameeyeen Ciidaamdda Dowladda Soomaliya.

Qorshaha maanta ayaa ahaa in la bilaabo dhageysiga dacwadda shaqsiyaadkaasi loo heysto.
Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa waxa uu sheegay in dib loo dhigay dhageysiga dacwadaha loo haysto, islamarkaana Lagu balamay in maalinta Khamiista la bilaabo dhageysiga dacwadooda.

Qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Soomaliya ka dhaca waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 400, halka ay kuĀ  dhaawacmeen 700 oo qof.