70-Qofood oo laga soo celiyay Maraykanka oo soo gaaray Muqdisho

70 Muwaadiniin SoomaaIi ah oo laga soo Tarxiilay Dalka Mareykanka ayaa Laga soo dajiyey Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho,

Dadkan oo u badan dhalinyaro waxey badankood ahaayeen kuwo dalka maraykanka ku tagay si sharci daro ah waxayna in mudo ah ku jireen xabsi ku yaala dalkaas,

Wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed Oo la hadlayay idaacada Dowlada ayaa sheegay in dib u soo laabashada dadkaan ay gacan ka gaysatay Safaaradda Soomaaliya eek u taala wadanka Maraykanka.

Ma ahan markii ugu horeysay ee sidan oo kale dalka dib loogu soo celiyo qaxooti sharci daro ku galay dalka Maraykanka. 25 kii Bishii January ayay ahayd dalka dib loogu soo celshay in ka badan 90 qofood oo laga keenay isla wadanka Maraykanka,

Wixii ku soo kordhay dib ayan idin kala socod siin doonaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here